Saraakiishan ka socotay taliska guud ee ciidank xooga dalka Soomaaliyeed ee maanta kormeerey xerada 21 aad ee ciidanka xooga ay ku leeyihiin gobolka Galgaduud, ayaa waxaa horkacayay madaxa kormeerka gaashaanle sare Cali Cabdi Kulmiye.

Saraakiisha ayaa eegeyay horumarka ay sameeyeen ciidanka qeybta 21 aad sida saadkooda, mushaarkooda iyo baahida ay qabaan ciidankaasi, abaanduulaha qeybta 21 aad ee ciidanka xooga, Korneel C/laahi Aadan Xuseen oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in ciidan cusub laga qorayo gobolada dhexe kuwaas oo ku soo biiraya taliska qeybta 21 aad.

Gaashaanle sare, Cali Cabdi Kulmiye, ayaa saraakiisha qeybta 21 aad u sheegay in taliska guud ee ciidanka xooga dalka uu qorsheynayo in qeybta 21 aad ee gobolada dhexe, la tayayn doono isla markaana qalab iyo gaadiidba ay heli doonaan isla markaana sidoo kale tababaro dal iyo dibadba lehna loo sameyn doono.

Cali Cabdi Kulmiye, ayaa sidoo kale amaanay qeybta 21 aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed isagoo tilmaamay in xuquuqda askarta inta ka dhiman dhowaan ay heli doonaan.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar