Dhaqan-galka Xeerka Saxaafadda wuxuu lagama maarmaan u yahay hanaqaadka Warbaahin waxdhista-Faalo – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Thursday January 14, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Qaabka war is gaarsiinta waxay ahayd baahi la soo bilaabatay nolosha aadanaha, waxaana intii aan la soo saarin Teknaloojiyada casriga ee warbaahinta xilliyadii hore dadku waxay warka isku gaarsiin jireen , habab kala duwan sida in dab wayn la shido habeenkii, in fardo dheereeya la adeegsado si laba deegaan oo kala fog warka u wadaagaan iyo in geedo dheer la koro oo qaab Qaylo dhaan ah warka la isugu tabiyo. Qarniyadii 19 aad iyo kii 20 aad oo ahaa xilliyadii la soo saaray warbaahinada maanta la isticmaalo sida;Raadiyaha iyo taleefishinada ayaa noqotay waddo fudud oo dadka dunida xogta isugu gudbiyaan. Dhinaca warbaahinta Soomaalida haddaan dib u milicsanno Raadiyihii ugu horeeyay ee afsoomaali ku hadla ee laga furo dalka Soomaaliya wuxuu ahaa Radiyo Goodir oo laga furay Magaalada Hargaysa 1948, 1951 diina waxaa la furay Radiyo Muqdisho. Inkasta oo Xornimada ka hor iyo kadibba la helay a horumar yar oo ay sameeyeen wargaysyadii dalka ka soo bixi jiray, hadana waxaa xakameeyay oo soo koobay taliskii milatariga ahaa ee talada dalka la wareegay 1969kii,kaasi oo ugu horeyntiiba joojiyay Xoriyaddii hadalka. Qoraalkii farta Soomaaliga 21kii Octobar 1972dii, waxay horseeday in saddax bilood kadib,21 janaayo 1973dii uu soo baxo Wargeyskii ugu horeeyay ee ku soo baxa Afka Soomaaliga,maalintaas oo loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta Soomaaliya. Kadib burburkii dalka ka dhacay waxaa dalka ka abuurmay warbaahinno si gaar ah loo leeyahay oo isugu jiray Wargaysyo, idaacaddo iyo Talefishinno kuwaasi oo ku Shaqaynayay qaab furan oo aysan dalka ka jirin shuruuc saxaafadeed oo si cad u qeexaysa madaxbannaanida Saxaafadda iyo qaanuunkii hagi lahaa. Sidaa daraadeed dhowrkii sano ee la soo dhaafay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska iyadoo la kaashanaysa ururrada suxufiyiinta, qeybaha warbaahinta iyo khubaro Saxaafadeed waxaa si aad u xeel dheer oo daahfurnaan leh looga dooday loona dhiraandhiriyay qaabka ugu wanaagsan ee loo dhigi lahaa Xeerka Saxaafadda dalka. Dhanka kale Golaha Xukuumadda ee dalka oo xilliyo kala duwan doodo ka yeeshay xeerka Saxaafadda ayaa ansixiyay isla markaana u gudbiyay Baarlamaanka si ay u turxaan bixiyaan kadibna sharci u noqdo 28-12-2015 kii Golaha Shacbiga qaranka wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerkii Saxaafadda. Talaabadii ugu danbaysay ee meelmarinta Xeerkaas waxaa qaaday Madaxweynaha jamhuuriyadda Md:Xasan Sheekh Max’uud oo saxiixay 09-01-2016ka, waxaana lagu soo saaray faafinta rasmiga ee Jamhuuriyadda. Markaasi oo uu noqday sharci ka mid ah Shuruucda dalka. Dhaqan galka sharcigan saxaafadda wuxuu si aan mugdi ku jirin u damaanad qaadayaa madaxbanaanida saxaafadda,iyo is dhaafsiga aragtiyaha kala duwan iyo dhanka kale in Saxaafadda dalku noqoto mid wax dhista ee aan wax dumin.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS