Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Dhaweeyey Kismaayo “SAWIRRO” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Tuesday January 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaannada Baarlamaanka u metella madatasha Wadatashiga qaran ee doorashooyinka ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha Jubbaland, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo horey u joogay magaalada Kismaayo iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlay soo dhaweynta garoonka diyaaradaha ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yimaado markii ugu horeysay magaalada Kismaayo islamarkaana hada ay xubinta ugu muhiimsan ee wafdiga imaanaya waxaana uu xusay in u jeeddada uu u yimid ay tahay ka qeybgalka Shirka Madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka 2016 dalka ka dhacaya oo dhowaan ka furmi doona magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo isna dhankiisa ka hadlay goobta ayaa ka mahad celiyey sida quruxda badneyd ee lasoo dhaweeyey wafdigiisa waxaana uu tilmaamay in uu rajeynayo in shirka madasha wadatashiga qaran ee ka furmi doona Kismaayo ay kasoo baxaan qodobbo dhaxal gal u ah umadda Soomaaliyeed kaasi oo loogu magac dari doono go’aankii Kismaayo.

IMG_6815IMG_6817IMG_6819IMG_6821IMG_6829IMG_6834IMG_6839IMG_6848IMG_6853IMG_6859IMG_6862IMG_6915

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS