Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool oo dalka dib ugu soo laabanaya – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Tuesday January 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Waxaa sii kordhaya tirada Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda dib ugu soo laabanaya iyadoo todobaadkii u dambeeyay ay dalka soo gaareen qoysas hor leh.

220 qoys oo horay ugu noolaa xeryaha Qaxootiga Dha-Dhaab ee dalka Kenya ayaa dalka Hooyo ee Soomaaliya dib ugu soo laabanaya kaddib markii ay arkeen Dhibaatada ay leedahay Qaxootinimada iyo ku noolaanshiyaha Waddan aan mid kaaga ahayn.

Qaar ka mid ah qoysaskan ayaa la filayaa inay soo gaaran deegaanno ka tirsan gobollada Bakool iyo Bay.

Qaar ka mid ah qoysaskaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay aad ugu farax sanyihiin dib ugu laabashada dalkooda isla markaana ay tahay sababta ay dib ugu laabanayaan dalka Nabadda iyo Horumarrada ka jira Deegaannadii mar markii hore ay ka soo carareen.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS