Kulan wacyigelin ah oo loo qabtay dhallinyarada ku nool dalka Koonfur Afrika “SAWIRRO” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Monday January 11, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Majmaca Culumada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa kulan ugu qabtay Jaaliyadda Soomaaliyeed magaalada Johannesburg, kaas oo lagu wacygalinayay Jaaliyadda gaar ahaan dhallinyarada.

Kulankaas oo barbar socday sinimaar ayaa waxaa kasoo qeybgalay,Culumo South African ah, qaar ka tirsan Culimada Soomaaliyeed,madax ka socotay Jaaliyadda Waxgarad ,dhalinyarro Haween iyo Aqoonyihanno wax ka dhiga Jaamacadaha South Africa.

Siminaarkaan dadkii ka hadlay ayaa sheegay in waxgalin joogta ah loo sameeyo dhalinyarada ku dhaqan Qurbaha gaar ahaan kuwa South Africa.

Qaar ka mid ah Waxgaradkii ka hadlay ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ay tahay muhiim kulamada iyo Siminaarada lagu wacyigalinaayo bulshada si loo xusuusiyo dhaqankooda iyo diintooda suuban.

Sheikh Ibraahim Bam oo ka mid ah madaxda Culumada Muslimiinta ee South Africa oo isna Khudbad ka jeediyay Siminaarkan ayaa ka sheekeeyay taariikhda Islaamka iyo waajibaadka saraan dadka Muslimiinta.

Gudoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed ee South Africa,Sheikh Aweys Xamza oo ka mid ahaa dadkii soo qabanqaabiyay Siminaarkan wacyigalinta oo isna ka hadlay madasha ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed u baahantahay in la mideeyo loona sameeyo wacyagalin joogta ah si buu yiri ay Soomaalida u noqoto Umadda tayo leh.

“ Hadii aan dhalinyaradeena maanta ku wacygalin wadada toosan oo aan midoobin ma noqonayno Umadd isku xiran,sida uu Illahay Quraankiisa ku sheegay waa inaan isku xirnaanaan” ayuu yiri.

Majmaca Culuma”udiinka Soomaaliyeed ee South Africa ayaa la sameeyay muddo yar ka hor waxaana ku mideysan Madaariis gaara toban Madraso oo ku kala yaalla qaar ka mid ah Gobolada Soomaalida ka degto South Africa.

IMG_0523IMG_0525IMG_0530IMG_0531IMG_0532IMG_0537IMG_0540IMG_0543IMG_0545IMG_0547IMG_0550IMG_0552IMG_0553IMG_0554IMG_0560IMG_0566IMG_0567IMG_0571IMG_0574IMG_0577IMG_0582IMG_0585IMG_0588IMG_0589IMG_0592IMG_0595Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS