Khudbadaha laga jeediyay furitaanka shirka Warbaahinta ee Muqdisho – SAWIRRO – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Monday January 11, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Shirka Qaran ee Horumarinta Istiraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ayaa maanta si rasi ah uga furmay magaallada Muqdisho. Shirkaan waxaa furay R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte.

Haddaba halkaan waxaan idiin kugu soo gudbinaynaa qeybo ka mid ah khudbooyinkii furitaanka ee ay jeediyeen masuuliyiinta ka qeyb gashay shirka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

“Kooxaha nabad diidka ahi wariyeyaal badan oo dalkaan qiimo u lahaa ayay dileen, Caddaaladda ayaa la horkeeni doonaa, sida loo hor keenay kuwii dilay wariyeyaal Soomaaliyeed oo ay u dambeysay Hindiyo Xaaji” ayuu yiri wasiir

“Dadkaani waxay ahaayeen kuwo doonayay inay maskaxdooda ku beddelaan Soomaaliya ay nabad gaarsiiyaan”.

“Farxad weyn ayay noo tahay in maanta warbaahinta Soomaaliyeed ay heystaan sharci u oggolaayana inay shaqeystaan, Wariyaha Soomaaliyeedna siinaya xuquuqdiisa”

“Dhammaadka shirkan waxaan rajaynayaa in istiraatiijiyad aan ku mideysannahay oo aan fulinteeda ka wada shaqeyno shanta sano ee soo socota”

Xildhibaan Cabdi Xaashi

“Sharcigaani, Warbaahinta madaxa bannaan xuquuq badan ayuu siinayaa, si guud ayuuna u ilaalinayaa warbaabinta Soomaaliyeed xuquuqdooda” ayuu yiri

“Wariyaha gef sameeya haddii shalay xabsiga la geyn jiray, maanta sharcigu wuu diidayaa arrintaas oo lama xiri karo ilaa ay maxkamadi oggolaansho soo dhiibto”

“Guddiga saxaafadda oo ah 9 xubnood oo 3 ay ka imaanayaan warbaahinta madaxa bannaan, ayaa wasaaradda kala shaqeyn doona kiisaska anshaxa la xiriira”

“Xeerkaani waa mid aan mustaqbalka u sameysanayno, waxbaa laga beddeli karaa maxaa yeelay waa salkii sharciga”.

“Wariyeyaasha Soomaaliyeed waa in la siiyaa xuquuq mushaar oo ku filan, hay’adaha warbaahintu haddaysan awoodin inay bixiyaan

Wasiirka Warfafinta Puntland. Maxamuud Xasan Ismaaciil

“Wasaaradda Warfafinta hannaanka wada-shaqeyn ee ay noo abuurtay waan soo dhaweynayaa, waxayna daahfur u tahay wax-qada qabsiga dowladda iyo dowlad-goboleedyada”.

“Xeerka Saxaafadda ee la anisixiyay Puntland waxay ku dartay aragtideeda, Waxaan idiin caddeynayaa Puntland inay diyaar u tahay inay fuliso sharciga saxaafadda Soomaaliyeed ee dowladda Dhexe ay soo saartay”.

Wasiirka Warfafinta Koofur-Galbeed Xasan Cabdi Maxamed.

“Ma jiro wariye lagu xiray Koofur-Galbeed, waana garowsanahay dhibaatada ay ku shaqeynayaan, waxaan ku faraxsannahay in maanta sharci saxaafadeed oo xuquuq siinaya cid kasta la helay.

“Sharigan ay soo ansixiyeen goleyaasha dowladda dhexe ee uu madaxweynuhuna saxiixay sidiisa ayaan u dhaqan galinaynaa, annagoo la kaashanayna dowladda dhexe. Sidoo kale waxaan sharcigeena waafajin doonnaa sharciga qaran ee saxaafadda”.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug. Maxamed Cusmaan Aadan “Mesagawaay”

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in shirkeennani uu ku soo beegmayo, maalin uu ka dib markii uu madaxweynaha Jamhuuriyaddu saxiixay Xeerka Saxaafadda Qaranka, ee uu dhowaan ansixiyay baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay maanta markii ugu horreysay taariikhda leedahay Xeer- saxaafadeed oo u dhigma kuwa dunida, waxaana ammaan iyo bogaadin mudan cid kasta oo gacan ka geysatay diyaarinta xeerkan oo ay shaqadiisu soo socotay tan iyo sanadkii 2007-dii.

Xogahayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Pakistaan

“Waa markii ugu horreysay oo aan yeelanno sharci saxaafadeed. In madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixay sharciga saxaafadda Soomaaliya waa dhacdo taariikhi ah, saxafiyiinta Soomaaliyeed waxay u tahay billow cusub oo horumar ah. Waxyaabaha la dhaliilsan yahay ee sharciga ku jira in dib loo saxo ayaan rajaynaynaa”.

Shirkaan natiijo fiican oo horumarmar ah ayaan ka rajaynayaa inay ka soo baxaan, oo dowladda, hay’adaha deeqaha bixiya iyo warbaahinta madaxa bannaanba

Ra’iisul-Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte

“Xeerkaan iyo Istiraatiiiyadda aan maanta ka hadlayno waa inay wax ka beddelaan waxna ku kordhiyaan nolosha dadkeena, Sharci la’aantu fowdo ayay ka dhigan tahay, waa inaan xusuusnaanno in masuuliyadi na saran tahay gaar ahaan wariyaha, isla markaana sharciga la dhowraa”.

“Sharcigaani wuxuu ilaalinayaa madaxbannaaniada saxaafadda sidoo kale wuxuu dhowrayaa xuquuqda wariyeyaasha, isagoo sidoo kale ilaalinaya xuquuqda dadka ee ku cad dastuurka waddanka”

“Saxaafadda xorta ah waa inay ogaadaan Soomaaliya in aysan dowladdu lahayn ee ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin, Waa in ay ka shaqeeyaan horumarinta dalkooda oo ay wanaajiyaan muuqaalka waddanka oo ay masuuliyad muujiyaan”.

“Waxaan ammaanayaa dhammaan hay’adaha iyo qeybaha kala duwan ee ka soo shaqeeyay shirkaan iyo juhdiga ay bixiyeen. SIdoo kale waxaan u mahad celinayaa hay’adaha dowladeed iyo qeybaha kale ee ka soo shaqeeyay sharciga saxaafadda ee noo suurta galinaya in la kala xadeeyo dowladda, shacabka iyo warbaahinta”.

12557117_10153467872007087_669605261_o12443509_10153467862707087_930665597_o12544786_10153467862312087_1550025537_o12528747_10153467809672087_129540002_o12544023_10153467805452087_485812422_o12528438_10153467805372087_422944340_o12544840_10153467796537087_824285776_o12511247_10153467796412087_358526154_oWaxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS