Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Monday January 11, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir ayaa la kulmay safiirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cuthman, ayagoo ka wada hadlay sidii labada dowladood ay iskaashi ugu yeelan lahaayeen horumarinta Garsoorka.

Kulanka oo looga hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso horumarinta arrimaha garsoorka ee dalka, ayaa waxa uu Wasiirku dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan gudaha dalka.

Safiika Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Cuthman ayaa uga mahadceliyay Wasiirka dadaalkiisa ku aadan horumarinta garsoorka, waxaana uu intaa raaciyay inay ku dadaalayaan sidii ay u joogteen lahaayeen mashaariicda kala duwan ee ay ka hirgelinayaan gudaha dalka Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS