Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb “SAWIRRO” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Thursday January 07, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud halkaasi ii oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Afhayeenka Baarlamaanka waxaa wehliya Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, 25 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta Ahlu Suna Wal Jamaaca ee gobollada Dhexe.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay munaasabad soo dhaweyn aheyd oo wafdiga loogu sameeyey xarunta Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ayaa u mahad celiyey shacabka iyo maamulka halkan sida ay usoo dhaweeyeen waxaana dhanka kale ay Xildhibaannadu tilmaameen in loo baahan yahay nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah.

Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah hogaanka Culumaa’udiinka Ahlu Suna Wal Jamaaca ee gobollada Dhexe oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa sida ay u aqbaleen marti qaad ay u fidiyeen waxaana uu dhanka kale tilmaamay iney soo dhaweynayaan wafdiga wax walba oo ay u keenaanna ay diyaar u yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu horeyn yiri “maanta waa maalin taariikhi ah, uma ahan taariikhi in aan Dhuusomareeb nimid laakiin waxey ku tahay in nin meel ku oodan oo aan u nimid inaan shacabkiisa la heshiisiinno uu na cambaareeyo, waxa aan u nimid inaan dhageysano cabashadiinna maadaama aad tihiin shacabka aynu metelno” .

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii jeediyey Khudbaddii ugu dambeysay ayaa u mahad celiyey maamulka iyo shacabka gobollada dhexe sida ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa waxaana uu yiri “ waxaan ahay ergey uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, nabadda iyo midnimadda Umadda Soomaaliyeed marna gor gortan kama galeyno waxaa la joogaa xiligii isku tanaasulka waxaanna codsaneynaa inaad nabadda nagu raacdaan, dowladda diyaar ayey idiin tahay” .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo oo caawa ku hooyan doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa kulammo la qaadan doonna qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe.

DSC06806DSC06809DSC06815DSC06821DSC06826DSC06828DSC06848DSC06872DSC06874DSC06877DSC06893DSC06900DSC06903

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS