Isbitaal casri ah oo lagu qaabilayo Hooyada iyo Dhalaanka oo Muqdisho laga hirgelinayo (Sawirro

  Wednesday January 06, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Janaayo 6 (Jowhar)— Isbitaalka ugu weyn ee Bariga iyo bartamaha Afrika oo lagu qaabili doono Hooyada iyo Dhalaanka ayaa dhowaan lagu wadaa in laga hirgeliyo magaalada Muqdisho, iyadoo Isbitaalkan uu dhismihiisa gabo gabo ku dhow yahay.

Hey’ad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Yerdimeli ayaa wada dhismaha Isbitaalkan oo ku yaalla degmada Xamar Jajab, gaar ahaan meel ku dhow Xeebta, iyadoo halka laga dhisayo ay afar sano ka hor aheyd goob qashin qub ah.

Isbitaalkan ayaa waxaa uu dhisme ahaan ku fadhiyaa 7,000 dhinac kasta ah, waxaana guud ahaan dhulka uu heysto ku fadhiyaa 45,000 mitir dhina kasta ah.

Dhismaha Isbitaalkan ayaa ka kooban qeyb la seexiyo Haweenka iyo caruurta xanuunsan, qeyb lagu xanaaneeyo caruurta ku dhasha bila dhimanka iyo qeyb lagu qaabilo bukaan socodka, qeyb noqoneysa jiifka dhaqaatiirta, waxaana la seexin karaa Isbitaalka illaa 100 bukaan.

Isbitaalkan ayaa hadii la hirgeliyo waxaa uu wax ka tari doonaa adeegyada caafimaad ee hooyada iyo dhalaanka, iyadoo sanad kasta hooyo iyo caruur u dhintaan adeegyada caafimaad oo yar.

Si kastaba ha ahaatee Hey’addaha Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa hirgeliyay Isbitaalo iyo goobo waxbarasho, inkastoo goobaha caafimaad ee ay gacanta ku hayaan ay qiimahoodu yihiin kuwo aad u sareeya.

isbisbiisbitisbitaisbitalWaxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS