Guddoomiye Wakiil” Ciidamo Gaar ah ayaan U sameynay Amniga Beydhabo” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Wednesday January 06, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Guddoomiyaha MagaaladaBeydhabo ee Gobolka Baay Mudane C/llahi Cali Wakiil oo la hadlayey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay dajiyeen Qorsheyaal lagu sugayo Amniga Magaalada Baydhabo, isagoo Xusay in ay Diyaariyeen Ciidamo Gaar ah oo loogu tala galay in ay sugaan Amniga Beydhabo.

“ciidamadaan aanu sameynay waxa ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan kooxaha falalka Amni darro ka geysanaya Gobolka Gar ahaan Magaalada Beydhabo” Ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi Cali Wakiil.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa faafaahin ka bixiyey Howlgall Ciidamada Amaanka ay ka sameeyeen Duleedka Magaalada Beydhabo.

Howlgallada ayaa lagu soo qab qabtay sida uu sheegay guddoomiyaha Shaqsiyaad falal amni darro ku howlanaa iyo Malleeshiyaad Al-Shabaab ka Tirsan.

GuddoomiyeWakiil ayaa sheegay in Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay in ay ku Tallaabsatay Horumarro ballaaran oo dhanka Arrimaha Bulshada.

Waddooyinka dhexmara Magaalada Beydhabo ayaa waxaa lagu sameeyay dib u dayactir, waxaana laga hirgaliyey Leerarka Cadceeda ku shaqeeya taas oo ka dhigan Horumarka Magaalada Beydhabo inuu si xoogleh u socdo.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS