Jaamacadda Gaariisa oo maanta dib loo furay – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Monday January 04, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi-bari Kenya ayaa maanta dib loo furay sagaal bil kaddib markii weerar kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday xarunta ay ku dishay 147 qofood oo u badnaa arday.

Weerarkii lagu qaaday Jamacaddaasi Labadii Abriil ee sanadkii hore ayaa 142 ka mid ah waxay ahaayeen arday. halka 79 kale ay ku dhaawacantay.

Xarun boolis ayaa laga furay jaamacadda si loo xaqiijiyo badbaadada ardayda iyo shaqaalaha.
Shaqaalaha ayaa maanta shaqada soo galay, halka ardayda lagu wado inay fasallada ku laabtaan maanta.

Bishii la soo dhaafay ayaa Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto oo booqday Jaamacadaas waxaa uu ku dhawaaqay in dib loo furayo Jaamacadda Gaarisa ee Gobolka waqooyi bari.

Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Gaarisa ayaa soo dhoweeyay dib u furista Jaamacadda, waxaana qaarkood ay ku leeyihiin goobo ganacsi oo ay Ardayda wax ka iibsadaan.

cabdul qaadir jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS