Damber Malee Soka Dubunoytaa Diidee By: Dr.Mayow Iidow

  Friday July 05, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Suldan Geledi :Suldan Osman(Suldan Balshafe) Salaadiinta Geledi waxey ahaayeen kuwo ilaalin jirey xuquqda adamaha, Waxey deganaasho siin jireyn shaqsiyaadka la soo dulmiyey,waxaay magan galyo siyaasadeed siin jireen dadka la soo bahdiley, ka hor inta Europe iyo America aysan gaarin Xadaarada.
Dawladaha Digil iyo mirifle waxaa Burburiyey Gumeysiga Taliyaniga iyo Qabaa’ ilo kale Soomaaliyeed oo isbahestey oo Dhaxalsiiyey Dhibaatada maanta Soomaaliya ka jirto.
Dhibaatada Soomaaliya ka tagaan waa loo qeybin karaa laba qeybood:Mid Guud ahaan Soomaaliya ay u dhan tahey iyo Mid Qabi’ilo ka kooban kuwaasoo qabaan: Dhaqamo, luqado deegaano kala gedisan.
Qabaa;ilada qaarkooda ayagoo isticmaalaya magac dawladeed ku sameyey Sedbursi, deegaan boob, dhac dulmi kal gedisan UMMADA nabad jecel ee nool Koonfur Soomaaliya.
Ummada ayadaa is dulmisey:
  • 1894 inta Taliyaaniga uusan qabsanin Dhulka Saldanadda Geledi iyo Gasare Gude ee Digilmifle xuduuda Dawlada. xuduuda labada Saldanood waxey eheed Kenya iyo Tan Itoobiya ilaa aad ka keento Masaajidka Arbaco Rukun ee XAMAR, sida uu sheegay Guillain mar uu yimid Banaadir 1847 una qorey.,Lee V. Cassanelli pg 57-58, iyo ay soo Sheegbey Salaadiinteyna iyo Culumadeynaba.
  • Talyaaniga15 sanno wuu kasoo dagi waayey Bada Saldanadda Geledi.15 sanno aya Ummada Konfur la dagaalamey Gumeysiga soo dhex gelin Boqortooyada Geledi. Talyaaniga asagoo kaashanaayo qaabi’ilada kale oo Soomaali ah ayuu Talyaaniga Soomaaliya soo galey, waxaa hubka laga dhigey 30,000 cidan oo Suldhan Geledi ah, Asago Markaas Talyaaniga Isticmaalaayo Hubkii Casriga ahaa ee ugu dambeeyey oo loo Istaamaalaayey Dagaalkii Lamaad Adunka. Dhulkii Digil iyo Mirifle waa la dhacey, Ummadiina Kolonyo(adoonsi) ayaa saarey, ayagoo karbaashna ay u hayeen Qabiilada kale Soomaaliyeed oo u ogolaadey in uu Gumeysiga Talyaaniga Soomaaliya soo galo.
  • Mr.Abdulkadir Sakadin oo Digil iyo Mirifle ah waxuu Asasey, 15/May/1943 SYL, asagoo ku riyoonayey Ummadiisa Xuriyada uu gaarsiyo waxaa loo adeegsadey Qabiil waa laga wareegey SYL. SYL markaas waxey isu bedeshey Goob Qabiil
  • 25/March/1947.HDMS (HISBI DASTORE MUSQABIL SOMALI).Sheikh Abdullahi Bagadi, the charismatic founding father and the 1st president of HDM. Dadkiisa dad ka mid ah oo ku shaqeynayo Fikrido qabiilo kale ayaa loo adeegsdey waa Afgambiyeen, taasi waxey dhalisey Burburkii Xisbiyo.
  • In 1955, as Ustaad Osman came out from a mosque at Afgooye town, on his way back to home; a mercenary killer hired by some body we know cold bloodedly killed him.
  • Dawladihii Qabiilka ku saleysnaa 1960-1990, oo ahaa Qabiiladii Gumeysiga Talyaaniga soo galiyey Soomaaliya isla markaana xukunka Dhibaatoyinka loo geystey Ummada Digilmirfle horseedka ka ahaa sida Dhulka Digilmifile oo la boobay , ku xadgudub oo Gumesi qabiil laga galiyey
  • Prof.Omar Sheik Osman Assaasihi SDM waxaa la diley 21-November-1992, Taasoo keentey Burburkii SDM(Waa in laga doodaa)
  • December 03, 1992-Los Angeles Times -|MOHAMMED SAHNOUN | Mohammed Sahnoun The Rahanwein people of southwest Somalia are facing the same threat of genocide by massacre and starvation that confronts the Muslims in Sarajevo.
Baidoa-Magaladi Dhimashaha.
  • May niin dan ah(Mamulkii Avokaato Hasey) oo la buburiyey.
  • RRA, Dhulka DigilMirifle ayey soo Celisey Cadowga Wadankii waa saartey, aydadana waa burburiyey.
  • Dawladii Koonfur-Galbeed, Madaxweyne uu ka ahaa (Col.Mahamed Nuur shaati gaduud) intooda waa burburiyey)
Marxalada Hadda la marayo:
  • Gaajo, Cuduro, Abaaro, Jahli , Faqri , Calada daro, ,Fitno oo Ummdeeni ku habsatey.
  • Dhibaatadi Ummada waxey noqotey mid laga beec Mushtaro.Waxii Gargaar ah oo Aduun weyna u keenana Qawmiyada kale ayaa ka maaleesteyn. Gargaarkiina Hub ii raasas lagu gatey Ummadina Gumeysi Dheraad ayaa la galiyey.
  • Is Aaminaad la’aan , u adeegis cadow Qowmiyada Digilmirfle ayaa Madaxda Digilmirfle caadeysatey.
  • Burcad Badeeda- oo barakicinaya UMMADEEDA iyagoo Iibsadey Beerhii iyo Dhulkii oo idil.
  • Dhirtii iyo Xoolihi oo la xaalufiyey taaso keentey Roobkii in uu yaraado.
  • Sayaasiyiintii DM badigooda oo dhuni racato, islaweyni, (Kii dajo wayaba, waxuu ku dharanyaa dhiig badan daadinayaa ama Dilal baan noqonayaa asagoo doonaayo in uu Jaran jaro ka dhigto Lafaha Ummadisa)
Laga soo bilaabo 1847/2013, Buburkasta, Dhibaato Ummad Digilmirfle ku Dhacdo waxaa ka masuul ka ah dad Digilmirfle ah oo u adeegaayo Cadawga Ummdaas.
Hadaan lees daba qabanin waxaa idin sheegyaa Digilmirfle in uu ku Milmi doono Qowmiydaha kale.
2013-1894=119 Sanno ayaa Gumeysi qabiil ku hoos nooshihiin,
Ma sida baa Maslaxo u moodeen UMMADEY?

Sahal Moalim Cise said, “(Dudumadoo Qof fuulo, Kur liin dayo ley Fadow-DALIIL MA AN QAADADOW)"

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  MOST READ  
   
  LATEST NEWS