Munaasabad lagu xusayay dhalashada nabigeenna Muxamad NNKH oo lagu qabtay Magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norway-Sawirro

  Friday December 25, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayay dhalashada nabigeenna muxamad N.N.K.H ayaa caawa lagu qabtay masjidka Al.Raxma ee magaakada Tromsø ee Woqooyiga Norway.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen culumaaudiinka ku nool magaalada Tromsø ayaa waxaa si wayn uga soo qeyb galay dad aad u farabadan oo kamid ah muslimiinta ku nool magaalada iyo tuulooyinka ku dhow magaalada waxaana munaasabadda lagu soo bandhigay muxaadarooyin diini ah oo u badnaa fadliga ay leedahay xurmeynta iyo weyneenta bisha mowliid oo ah xilligii uu dhashay nabigeenna Muxamad SCW.

Culumaaudiinkii goobta ka hadlay oo ay kamid ahaayeen macalim maxamed Axmed iyo Macalim Saalax ayaa sidoo kale ku guubaabiyey ummada soomaaliyeed iyo dadkii kale ee kasoo qeybgalay in muhim ay tahay in lagu daydo sunnada nabigeenna suubban oo aad loo xuso maalinta uu dhashay taasoo muujinaysa jaceylka ay dadkiisa u qabaan rasuulka SCW.

Waxa sidoo kale ay culumada aqriyeen taariikhdii nabigeenna csws iyo doorka qofka muslimka ah looga baahanyahay fidinta diinta islaamka oo ah diin nabadeed.

Waxayna munaasabadii kusoo idlaatay si wanaagsan.

Bisha mowliid sanad kasta waxaa dunida laga xusaa xilligii uu dhashay nabigeenna suubban Muxamad csw waxaana ay dadweynaha muslimiinta ah ay iyagoo faraxsan isugu soo baxaan masaajidada iyo goobo kale oo loo asteeyey in lagu xuso 12ka bisha mowliid.

?

?

?

?

?

?

20151224_20543120151224_205519

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS