Baarlamaanka oo mariyay akhrintii sadexaad shrciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada

  Monday December 21, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta mariyay akhrintii saddexaad sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa furitaanka shirka mudanayasha ku wargeliyay in Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka laga hakiyay mushaaraadkii ay lahaayeen sababo shirka baarlamaanka oo aysan soo xaadirin, halka kuwa kale uu guddoomiyaha ku sheegay in ganaax lagu soo rogay ganaax lacageed oo gaaraysa min lix boqol oo doolar.

Intaas kadib mudaneyaasha baarlamaanka ayaa warbixin ka dhageysatay guddiga maaliyadda ee baarlamaanka taasi oo ku saabsaneyd milkiyadda dhulka ex-baarlamaan taasi oo uu dhawaan la sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ku wareejiyay shirkad ganacsi.

Xildhibaan Mahdi Cali Cismaan oo baarlamanka ka hor akhriyay sharcigan ayaa sheegay inaysan jirin wax wareejin rasmi ah oo lagu sameeyay dhulkii Ex-baarlamaan iyo warqad uu guddiga maaliyadda u soo qoray guddoomiyaha gobolka Banaadir, kaasi oo ay ku caddeed in uusan dhulkii Ex-baarlamaan uu ku wareejinin shirkad ganacsi, balse qorshuhu ahaa in halkaasi qashinka laga nadiifiyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shirkadda Universal uga mahadceliyay qashinka ay ka qaaday xaruntii hore ee baarlamaanka, isagoo intaa ku daray in baarlamaanka uu xaruntiisa nadiifsanayo, waxaana uu ka digay in xarumaha baarlamaanku leeyahay lagu deg dego bixintooda.

Dhanka kale Mudanayaasha ayaa guda galay dhageysiga sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, kaasi oo uu mudanayaasha u akhriyay Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ka hadlay ahmiyadda uu sharcigan u leeyahay dalka.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa tallooyin ka dhiibtay, iyagoo xoogga saaray baahida deg deg ah ee loo qabo sharcigan iyo wixii u baahan in wax ka badal lagu sameeyo.

Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir ayaa mudanayasha ka codsaday inay meel mariyaan sharcigan oo aysan dib u dhigin, maadaama uu saameyn ku yeelan karo adeegyada ay xawaaladaha u hayaan bulshada.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa beri ka doodi doono halka Soomaaliya ay ku wajahantahay arrimaha la xiriira sanadka 2016-ka, waxaana uu kulankaasi noqonayaa mid Xildhibaanada albaabadu u xiranyihiin oo saxaafaddu ay dibad joog ka tahay.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS