Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Beledweyne

  Monday December 21, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkasi oo ay ka socoto qaban qaabada munaasabadda uu xilka kula wareegayo Guddoomiyaha cusub.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa markii ay gaareen magaalada Beledweyne waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka, qeybaha bulshada iyo ciidamada qalabka sida.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee ku sugan Beledweyne Cabdishakuur ayaa ku soo waramayaa in wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka qeyb galeen xaflad uu xilka kula wareegayo, taasi oo ka socoto xarunta degmada.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS