Kulan casho ah oo loo sameeyay dhallinyarada ka qeyb gashay shirkii lagu qabtay Muqdisho

  Monday December 21, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Kulan casho ah oo looga gol lahaa dhiiragalinta iyo soo dhaweynta Dhallinyarada ka socotay Gobolada Dalka ee ka qeyb galay shirka dhalinyarada Qaranka ee lagu soo gabagabeyay magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay caasimadda.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga Mudane Cabdullaahi Xasan Nuux, Wasiirka Caafimaadka Drs Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Xildhibaan Dr Cismaan Maxamed Maxamuud Dufle, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, qaar ka mid ah dhallinyaradii ka qeyb gashay shirkii dajinta siyaasad Qaran ee dhallinyarada ee lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho.

Qaar ka mid ah dhallinyarada oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihin casho sharafta loo sameeyay, waxaana ay dhankooda balan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan aragti lagu dajinayo siyaasad qaran oo ay yeeshaan dhallinta Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud Dufle oo ka mid ahaa madaxda lagu casuumay shirka ayaa ka codsaday dhallinta waxbaratay ee qurba joogta ah in ay dalkooda uga faa’ideyaaan waxa ay barteen

Wasiiru dowladda Wasaaradda maaliyada Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo cashada u sameyay dhallintaan ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa mid lagu dhiiri gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Mudane Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa sheegay in Wasaaradda dhalinyarada ay soo dhaweyneyso aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu intaa ku daray in qodobadii ka soo baxay shirka dajinta siyaasadda Qaran ee dhallinyarada lagu dabaqi doono hindise sharciyeedka siyaadda dhallinyarada Qaranka ee ay diyaarisay Wasaaradda.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS