Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u direy Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

  Monday December 21, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 72-aad ee ka soo wareegtay as’aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Taliska guud ee Ciidanka, Hogaamada kala duwan, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada, Alifleyda iyo Dablayda guud ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada booliska ay yihiin ciidamadii ugu horeeyey ee ay Soomaaliya yeelato iyadoo ay qeyb weyn ka qaateen dhismaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed xiligii la as’aasey.

Wasiir Diini ayaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ku amaanay sida ay u guteen howlaha adag oo ay bulshada u hayaan, isagoo u rajeeyay iney gaaraan horumar dhan kasta ah. Maanta oo ah 20­ka December waxey ku asteysantahay 72­guuradii ka soo wareegtay markii la asaasay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Wasiir Diini oo ka hadlaya qiimaha Maalintan ayaa yiri:

“Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaa hambalyo u dirayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo xaasaskooda iyo dhamaan inta nabada jecel ee qiimaha la leh maalinta ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaan ilaah ka rajeynayaa in xuskaan kiisa kale uu Alle nagu gaarsiiyo caafimaad, nabad iyo horumar. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay door muuqda ka qaateen dhismaha qeybaha kale ee ciidanka qalab-sida, waxaan leeyahay mar labaad Hambalyo Hooyada ciidamada qalabka sida”.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay leeyihiin Taariikh dheer oo qaali ah laga soo bilaabo aas-aaskiisa iyo maanta oon u dabaal dagayno 72 sano, mudadaa dheer waxay mustaysteen sharaf ay wadanka ugu shaqeeyeen” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

1943-kii ayaa la aas aasay ciidamada Booliska Soomaaliya xiligaa oo aysan Soomaaliya qaadan xornimada waxaana ay soo maren marxalado kala duwan.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS