Tababbar ku saabsan ka hortagga xaalufinta dhirta oo lagu qabtay Balanbale

  Saturday December 19, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Tababbar lagu baranayay ka hortagga dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka cimilada iyo Nabaad guurka dhirta iyo deegaanka ayaa lagu qabtay Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud.

Barnaamij kaan oo ay ka qayb galeen mudadii uu socday qaybaha bulshada iyo Xubno ka tirsan Maamulka Balanbale ayaa waxaa furay Maamulka degmada waxaana fulinayay hay’ada GSA oo gacan ka helay Hay’adda UNDP.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Degmada Balanbal ee Dawlad Goboleedka Galmudug Cabdirisaq Axmed Xalane ayaa ku booriyay ka qayb galayaasha tababarkan inay ka faa’iideystaan, si waxa la barey ay bulshada ugu gudbiyaan.

Eng. Axmed Nuur oo ah wakiilka hay’ada General Service Agency (GSA) ayaa ka warbixiyay Ujeedka taba barka iyo Faa’iidada uu u leeyahay Lataba barayaasha iyo Degmada.

Taba barkan oo socday mudo laba cisha ah ayaa gaba gabadii waxaa ka qayb galayaashu ay ka hadleen faa’iidada tababbarka uu u lahaa mudada ay qaadanayeen iyo muhiimada dhirtu ay u leedahay deegaanka in la jaraana ay keenayso nabaad guur saameeya Dadka, deegaanka iyo duunyada.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS