Shirka dajinta siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo la soo gabo gabeynayo

  Saturday December 19, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Waxaa maanta la filayaa in Muqdisho lagu soo gabogabeeyo shirka dajinta siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo wakiilo ka socday beesha caalamka, waxaana u jeedka shirka uu yahay in dhallinyarada ay door ku yeeshaan hanaanka siyaasadeed ee dalka.

Shirka ayaa looga hadlay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan hiigsiga 2016-ka, in la muujiyo caqabadaha heysta iyo in shaqooyin loo abuuro dhallinta waxbaratay ee ku sugan gudaha dalka, waxaana shirka maanta ku biiraya madaxda sar sare ee dalka, kuwaasi oo ka jeedin doono habka loo marayo dajinta siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo shalay furay shirka ayaa tilmaamay in dhallinyaradu ay yihiin lafdhabarka bulshada, loona baahanyahay inay door muuqdo ku yeeshaan siyaasadda dalka.

Wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Soomaaliyeed Cabdullaahi Nuux ayaa xusay in go’aanada shirka ka soo baxa lagu dari doono hindise sharciyeedka siyaasadda dhallinyarada Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda.

Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno wax tar u leh dhallintada Soomaaliyeed ee waxbaratay.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS