Diblumaasiyiin tababar loogu soo xidhay Qatar-Sawirro

  Friday December 18, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Diblumaasiyiin ka socday Wasaarada Arimaha dibeda ee Dowlada Soomaaliya ayaa lasoo xidhay tababar mudo labo todobaad ah uga socday magaalada Doha ee dalka Qadar, iyadoona tabarkan oo ay fuliyeen khubaro dhinaca dilumaasiyada ah, ay Qabatay Wasaarada Arimaha dibeda dowlada Qadar.

Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Qatar, Mukhtaar Cali Cali yuusuf oo khudbad kasoo jeediyey munaasibada ayaa uga mahad celiyey dowlada Qadar sida ay u garab taagantahay dowlada Soomaaliyeed.

Diblumaasiyiinta ka socday wasaarada Arimaha dibeda dowlada Soomaaliya ee tababarku u soo dhamaaday oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay Kororsadeen mudadii ay ku sugnaayeen dalka Qadar, sidoo kalana waxay u mahad celiyeen mas’uuliyiinta safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar.

Gabagabadii munaasibadan ayaa waxaa diblumaasiyiinta ka socday Wasaarada Arimaha dibeda Soomaaliya lagu gudoon siiyey shahaadooyin, Waxaana intaasi kadib warbaahinta Qaranka la hadlay Qunsulka Safaarada Soomaaliya oo diblumaasiyiinta ku booriyey inay cilmiga iyo aqoonta ay kororsadeen wax ugu qabtaan dalkooda

.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS