Cudurka Daacuunka oo ka dillaacay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

  Thursday December 17, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wararka ka imaanaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegaya in toddobo qof ay dhimatay, 541 kalena la dhigay xarumaha caafimaadka kaddib markii cudurka daacuunka uu ka dillaacay xeryaha qaxootiga Dhadhaab, gaar ahaan xerada lagu magacaabo Dhagaxley.

Dadka uu cudurku soo ritay badankood waa carruur ka yar 12 sano, sida ay sheegtay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF, taas oo xustay in roobab xooggan oo ka da’ay deegaanka iyo nadaafadda oo xun ay door ka qaateen faafidda cudurka.

“Roobabka ayaa uga sii daraya xaaladda nadaafadda oo horeyba u liidatay,” ayuu yiri Charles Gaudry, oo ah madaxa howlgallada MSF ee dalka Kenya.

Charles ayaa sheegay in tirada bukaannada la jiifinayay xarumaha caafimaadka ay sii kordhaysay tan iyo toddobaadkii tegay, iyadoo carruurtu ay yihiin kuwa ugu badan ee cudurku saameeyay.

Hay’adda UNHCR iyo kuwa kale ee ka shaqeeya samafalka ayaa xarumo lagu daaweeyo bukaannada cudurkan ka furay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalkaasi Kenya.Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS