Ban Ki Moon: “Waxaan aad uga naxay qalalaasaha iyo rabshadaha ka sii socda dalka Burundi”

  Thursday December 17, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada New York ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha iyo dilalka ka sii socda dalka Burundi isagoo ka digay dagaal sokeeyo oo ka dhaca dalkaasi.

“Waxaan aad uga naxay qalalaasaha iyo rabshadaha dalkaas ka sii socda, waxaa ka wal walsanahay in dagaalo sokeeye uu ka dhaco Burundi” ayuu yiri Ban. Ki Moon

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Burundi uu u dirayo la taliyihiisa gaarka ah, si Madaxda dalkaas, kuwa gobolka iyo Midowga Afrika ay ugala hadlaan xaaladda sii xumaaneysa ee ka taagan dalka Burundi.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay tan iyo markii rabshadaha ka bilowdeen dalkaas ay ku barakaceen boqolaal kun oo ruux oo u cararay dalalka deriska.

Waxaa laga cabsi qabaa inay dib u soo laabtaan dagaaladii u dhaxeeyay qowmiyadaha Hutu iyo Tutsi, isla markaana uu dhaco xasuuq.Wixii ka dambeeyay bishii April ee sanadkan waxaa Burundi ka taagnaa qalalaaso siyaasadeed, kaddib markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay in mar saddexaad uu isu soo sharaxayo xilka, taasoo ay ka hor yimaadeen mucaaradka dalkaasi.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS