Muqdisho: Shirkii Wadatshiga Doorashada 2016 oo La Isku Mari La’yahay (Warbixin

  Tuesday December 15, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wadatashiga ee Geeddi Socodka Doorashada 2016.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay dhamaan qaybaha Soomaalida ee ay khuseyso Doorashada 2016, waxaana uu ka fumrey Garoonka diyaaradaha Adan Cadde.
Furitaankii shirka ayaa la sheegay in uu socon doono muddo saddex maalmood ah oo ku eg maanta oo Talaada ah.

Shirka ayaa maalintii shalay baaqdey sababo aan la sheegin waxaana Madaxda ka qaybgelysey u furmey shir gaar ah oo ay ku gor-gortamayaan.

Waxaa si weyn loogu kala aragti duwan yahay qaabka la doonayo in lagu soo xulo xildhibaanada 2016.

Puntland iyo Jubaland waxa ay taagan yihiin in la fuliyo heshiiskii Garowe 1 2012 iyo natiijadii ka soo baxdey ergooyinkii talada la weydiiyey ee ahayd in aan dib loogu noqon 4.5 ee degmooyin wax lagu soo xulo.

Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo weliba Madaxda Dowladda Federaalku waxay qabaan in 4.5 wax lagu soo xulo.

Waxaa jira qodob kale oo ergooyin ka socda beesha caalamku ku soo kordhiyeen oo ah in labada aragtiyoodba la qaato degmooyinka 92 laga soo xulo mid hal xildhibaan halka inta dhiman ay ku yimaadaan 4.5, taas oo Puntland iyo Jubaland ay diideen.

Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in shirarkii la isku fahmi waayey, laguna kala tegay, taasina ay sababtey in shirkuu maalintii saddexaad dib u furman waayo, waxaana ergooyinkii Puntland iyo Jubaland loo sheegay in ay safar isu diyaariyaan oo ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen.

Beesha caalamka ee ku dhex-jirta shirarkan ayaa wada dedaal la isugu soo dhaweynayo, waxaa iyadana miiska saaran qorshe kale oo ah muddo kordhin aan la aqoon waqtigeeda iyo qaabka ay noqoneyso.

Si kastaba ha ahaatee waxaa dhinacyadu wada aaminsan yihiin in ay waajib tahay in la helo waddo looga baxo caqabada taagan, lamana oga cidda tanaasuli doonta iyo in la qaadan doono xal kale oo ka wada baxsan kuwa hadda la isku hayo.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS