STOP - XAALUFINTA & NABAADGUURINTA CIMILADA KOONFURTA SOOMALIYA “ECOLOGICAL DISASTER
Thursday August 15, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
STOP - XAALUFINTA & NABAADGUURINTA CIMILADA
KOONFURTA SOOMALIYA “ECOLOGICAL DISASTER”
Xaaraan cuneyaal baa dalkii xaalufiyee, Allow xoolaha iyo xoogba dhaafi.
Waxba waxbaa ka darane, waxaa ugu daran, sida foosha xun ee loo burburiyey
deegaanka bad iyo berriba. Soomaalidu weli kuma baraarugsana dhirta la
gumaadayo inay tahay guuldarradii geyiga.
Soomaalidu weli kuma baraarugsana dhibaatada laga dhaxli doono
nabaadguurka iyo xaalufka. Sida muuqata Soomaaliya mustaqbal madow baa kusoo
fool-leh. Bal aan si kooban u falanqeeyo muhiimadda deegaanka u leeyahay
jiritaanka noolaha. Burburka deegaanka oo la ogsoon yahay inuu yahay baaba’a
nafleyda, ayaandarro Soomaalidu inteeda badan 90% weli si habboon uma fahmin
aayatiin xumada dhacarsan doonta jiilka mustaqbalka.
Maxaad kala socotaan xaalufinta deegaamadda KOONFURTA SOOMALIYA dhoofinta dhuxusha ay wadaan qolooyin u taagan
baa bi'inta ama xaalufita iyo nabaadguurinta DEEGAANO AYSAN U DHALAN, kuwaasi ha ogaadaan waxa ay gacmaha kula
jiraan ay tahay wax aanan iyaga ADUUN
IYO AAQIRABA U WANAAGSANEYN, xisaabtankeeduna uu sugaayo.
Qarankii doonaya inuu ku tallaabsado barwaaqo iyo baraare waa inuu
hormariyaa deegaanka iyo duunyada “flora and fauna”. Hindiya waayadii hore
waxay ahaan jirtey faqri faramaran, hase yeeshee 1960-yadii Hindiya waxay hirgelisay
Kacaanka Cagaaran “Green Revolution.”
Horumarintii deegaanka iyo kordhintii wax-soo-saarka beeraha kadib,
Hindiya hodon bey noqotay oo horumar laxaad leh bey ku tallaabsatay. Dadku
wuxuu ku nool yahay nacfiga laga helo dhirta dhulka Eebbe ku beeray oo u
qeybsan: dalagga beeraha laga goosto iyo uunta “cad iyo caano” laga helo xoolo
tigaad soo daaqay. Jiritaanka nolosha “hunguri-hoy-hu” waxaa saldhig u ah
geedaha oo xataa meeshii aan geedo lahayn roob kama da’o.
Makiinado casri ah oo dhirtii lagu gumaaday ayaa la keenay, geedihii oo
dhan dhuxul baa laga dhigay, dhulkiina wuxuu isu beddeley saxara lama degaan
ah, xataa beerihii dhooboy bacad baa ku fiday oo mardhow dalag beereed lama
goosan doono.
Qof kasta oo Soomaali ah haddii aad weydiiso, dhaqaalaha dalka maxaa
tiirdhexaad u ah, jawaabta laysku raacsan yahay waa xoolaha nool. Haddaba
haddii geedihii la gumaaday oo dhulkii saxara laga dhigay, maxaa xooluhu ku
noolaan doonaan? Haddii kooxda loo yaqaan Tujaarul-Xarbi ay ku tartameen
dhoofinta: dhuxusha, xoolaha dhadig, ugaadha iyo wax kastoo kayd iyo dhaxal u
noqon lahaa jiilka dambe, mustaqbalka Soomaalidu muxuu ku dambeyn doonaa?
Sansaanka muuqda haddaan Alle samatabixin 30ka sanee soo socda xoolaha
Soomaalidu waa dabargo’i doonaan, maxaa yeelay geedihii ay daaqi lahaayeen
dhuxul baa laga dhigay. Waxaa taas kasii daran geed-musiibo oo lagu magacaabo
“Geed Yuhuud ama kaligi nool” ayaa gees-ka-gees geyiga Soomaaliyeed abuurkiisa
lagu firdhiyey, qodax sun leh mooyee wax kaloo nacfi ah lagama helo.
Geed Yuhuudka gobolladii lagu beeray taariikhiyan geedihii ka bixi jirey
waa nabaadguureen, tusaale gobolka Hiiraan waxaa ka dabargo’ay geedkii Yicibka
oo waxtarkiisa dhowr maahmaah laga allifey. Guud ahaan gobollada Soomaaliya
waxaa laga isticmaalaa caana-boore, sugimeyn oo weligey kuma riyoon
Matabaan-Garoore ayaa caana-boore laga isticmaali doonaa. Haddii xaaladu sidaan
kusii socoto mardhow waxaa la arki doonaa hilib Australia laga keenay oo
Soomaaliya laga cunayo. Soomaaliya ayaandarro weyn ayaa ku habsatay oo bad iyo
berriba waa la xaalufiyey, khayraadkii badda ku jirey ee Eebbe ku manneystay,
maraakiib shisheeye “jiriif” ayaa boobtay “reer ba’ow yaa ku leh”.
Maraakiibta quwadaha shisheeye ee ku andacooda inay la dagaallamayaan
Burcad-badeed waxay difaacaan oo u hiilliyaan maraakiibta xaalufisa baddeenna
waxayna la mid yihiin “col ku dhac oo tuugo kuu ciidamisay”. Gabyaa Cabdullaahi
Cirro hees uu tiriyey beydadkeeda waxaa ka mid ah:
Haddii dhaxal awoowe dhumay,
Dhulkii laga dhigay saxara,
Dhirtiiyoo idil la gubey,
Dhuxul iyo laga dhigay duqaan,
Dhadiggii xoolaha la gaday,
Oo loo dhoofiyey qurbaha,
Ugaadhoo idil la dhacay,
Kalluunkii badda dhex yiil,
Shisheeyuhu ay dhurteen,
Dhaqankiyo laga tegay hiddaha,
Waxaan dhowrnaa dhegxumo,
Somaalaay goormaad is dhugan?
Ribanaye Allahayow Rijaalu-sebenka naga qabo. Sidoo kale rag mas’uuliyad sare
sheeganaya ayaa “Shuftada Caalamka” u saxiixay in badda lagu shubo sun,
berrigana lagu aaso haraadiga wasakhda warshadaha Nukliyeerka oo ah sun halis
ku ah jiritaanka noolaha, taasina waxay keentay noolihii ku jirey badda maanta
inay dabargo’ ku dhow yihiin.
Noolaha dabargo’ay ka sokow, haraadiga sunta“waste toxic” ee lagu
firdhiyey geyiga Soomaaliya bad iyo berriba waxaa ka dhashay cudurro halis ah oo
aan hore loo aqoon oo la cayn ah cudurradii laga helay Jabbaan kadib Bamkii
lagu dhuftay Hiroshima. Shaqsiyaadkii dembiyada halista ah ka galay Soomaaliya
“Madaxweyene ilaa Mooryaan” waxaa ugu khatarsan oo ugu dembi weyn raggii
qandaraaska ku qaatay suntii lagu aasay geyiga Soomaaliya. Cabdi Muxumud oo
habaaray kooxda loo yaqaan “Rijaalu-Seben” waa Tujaarul Xarbi iyo Hoggaamiye
Kooxeed, wuxuu yiri:
Ilaahey dhub idin sii,
Dhulka idinla wada goo,
Dhallaan haddaad lahaydeen,
Idin dhaafe idilkood…
Waxa jira dhaqan guud oo aadamigu iska hidde-raacay oo ah waalidku inuu carruurtiisa uga tago dhaxal wanaagsan. Dhaxalka carruurta looga tago waxaa ugu muhimsan “qiyam = values” iyo kayd taariikheed farxad leh iyo deegaan barwaaqo oo nolol leh. Maanta waalidka Soomaaliyeed waxaa laga dhaxlay oo ay ubadkooda uga tageen: “Taariikh madow, deegaan burburay bad iyo berriba ee jiilka maanta nool ma garwaaqsan yihiin guuldarrada iyo aaya-xumada ubadkoodu ka dhaxli doonaan? Soomaalida maanta ma garashadii baa ka luntay?
Soomaalida maanta xagee bey ku socotaa? Soomaalida maanta ma waxay ku
talogashay inay dalkeeda ka guurto oo dhammaan qaxooti noqoto? Soomaalida
maanta waxay la mid tahay nin geed koray oo laantii uu ku taagnaa salka ka
jaray.
Hubsiimo Iyo Halbeeg Toosan
NO COMMENTS