Warmoley
GADIID AY CIIDAMADA AMISOM WATEEN OO LABA RUUX SHACAB AH KU JIIRAY DEGMADA BALCAD
.....

Ciidamada Amisom ayaa laba ruux oo shacab ah waxa ay ku dileen Degmada Balcad, kadib markii ay dar dareen dadkaasi oo watay gaari dameero.

Xaafadda Xaawo Taako ee Degmada Balcad ayuu ka dhacay falkaan, Ciidamada Amisom ayaana ka dhaqaaqay goobtii ay falka ka gaysteen sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Labadii ruux ee ay dileen iyo laba dameer oo ay wateen labadaasi qof ayeey meesha uga dhaqaaqeen Ciidanka Amisom ee falkaasi tacadiga ah gaysteen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay meesha yaalaan maydadka labada ruux iyo dameeradii ay wateen ee ciidamada Amisom, halkaasi ay ku dileen.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Balcad oo aan la xiriirnay si aan arrintaan wax uga waydiino ayaa ka jawaabi waayay taleefanadooda gacanta.

Ciidamada Amisom ayaa xilliyada qaar falalka noocaan ah ee tacadiga ah waxa ay u gaystaan dadka shacabka ah.