Warmoley
DOWLADDA SOOMAALIYA OO KA QEYB GALEYSA SHIRKA XUQUUQUL INSAANKA WADAMADA ISLAAMKA
...

Shirkii 5-aad ee caalamiga ah oo ay yeelanayaan Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha xuquuqul-Insaanka ee wadamada ku bahoobay Ururka Islaamka ayaa ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana looga hadlayaa arrimo badan oo quseeya dowladaha Islaamka ee dunida.

Waxaa shirkani soo qaban qaabiyay guddiga Joogtada ah ee Arrimaha xuquuqul-Insaanka, Soomaaliya waxàa ku matalaya wafdi ka socda wasaaradda haweenka iyo xuquuqul-Insaanka, kaasi oo ay horkaceyso Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeq Suleymaan Yuusuf.

Ajendayaasha sanadkan diiradda lagu saari doono shirkaasi inta uu socdo waxaa ka mid ah arrimo la xiriira dhibaatooyinka Islaam neceybka, ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo faquuqa ka jira daafaha caalamka.

Shirkan ayaa sanadka ku soo aadaya iyadoo dunida daafaheeda ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo salka ku haya xadgudubyada xuquuqul-Insaanka, waxaana la filayaa in xubnaha matalaya wadamada ku mideysan ururka Iskaashiga Islaamku ay soo saaraan qodobo muhiim ah.