Warmoley
Wasiirka Qorsheynta oo daah-furay Tababar ku aadan Aas-aaska Xogaha iyo Tirakoobka Dalka
Wasiirka Qorsheynta oo daah-furay Tababar ku aadan Aas-aaska Xogaha iyo Tirakoobka Dalka

Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dalka ayaa maanta tababar ku Aadan aas aaska xogaha iyo tiro koobka dalka ee (Basic of Statistics) ugu qabatay Magaalada Muqdisho shaqaaale ka kala socday Wasaaraddaha dowladda iyo hay’adaha.

Furitaanka Tababarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha agaasinka Tira koobka, Cabdiraxmaan Cumar Daahir, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, iyo Dr Ben Hadji Abduliatifa oo aqoon korarsiga baxinayay.

Ujeeadada laga leeyahay aqoon kororsigaan ayaa waxaa ay tahay sidii hay’adaha dowladda loo gaarsiin lahaa in xogta ay ka aruurin karaan hay’adahooda iyo in la helo aqoon yahano ku xeel dheer arrimaha Xogaha iyo Tiroobka dalka ee (National Statistics).

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Tira koobka ee Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdiraxmaan Cumar Daahir ayaa sheegay in tababarkan muhiimadiisa tahay sidii aan u heli lahayn shaqaale leh aqoonteeda xogaha iyo tirooobka dalka,

“Maahan tabababarkan mid kan ku eg waa kii ugu horeeyay balse waan joogteen doonaa sidii aan tayada iyo aqoonta shaqaalaha hay”adaha dowladda aan kor ugu qaadi alahayn, Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka iyo Bankigga Horumarinta Africa (African Development Bank)”ayuu yiri agaasimaha

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo furay taababrkan ayaa kula dar daarmay shaqaalaha kala duwan ee ka socda hay”adaha dowladda in ay ka faa”iideystaan tababarkaan qiimaha badan mudada sadax maalmood ah.

“Waxaad hesheen Fursad wanaagsan waxaana loo baahan yahay in aad si wanaagsan cashirada iyo qibrada Dr abdulatif ka faa”iideysataan dadka xirfaadan leh ayaa tahiin Sida uu sheegay Agaasime Cabdiraxmaan waa la joogteyn doonaa tababarkan”ayuu yiri wasiirka Qorsheynta

Agaasinka xogaha iyo Tirakoobka dalka ayaa wado dadaalo fara badan oo ku aadan soo bandhigidda isbadalka Badeecadaha suuqyada oo bishii mar la soo bandhigo, warbaxin ku saabsna korarka dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadida aqoonta shaqaalaha Agaasinka iyo kuwa Dowladda.