Warmoley
AMISOM oo taba-bar dheeraad ah siisay Ciidamada Amniga Baydhabo
AMISOM oo taba-bar dheeraad ah siisay Ciidamada Amniga Baydhabo

30 xubnood oo ka mid ah Ciidanka Booliska maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tababar soconayay 10 Cisho loogu soo xiray Magaalada baydhabo ee Xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

Kooraskan gaaban oo ay abaabulkiisu lahaayeen Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa lagu baranayay hubinta, xakamaynta, qabashada , maareynta dembiyada Dadweynaha, ka hor tagga rabshadaha iyo mudaaharaadyada.

Tresphord Kasale, oo ah Isuduwaha Booliska AMISOM ee Koonfurta Galbeed ayaa sheegay in xubnaha tababarka loo soo xiray loo qalabeyn doono si wanaagsan, si’ ay u maareeyaan ammaanka guud, gaar ahaan goobaha ay bulshadu ku badan tahay.

Soddonkan Xubnood oo laga soo kala xulay Saldhigyada Booliska ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay ka mahad celiyeen sida hagar la’aanta ah ee loo baray waajibaadka ka saaran la dhaqanka Bulshada, waxa ay ballan qaadeen in ay ku dhaqmi doonaan Casharradii ay qaateen.