araakiisha ciidanka xoogga dalka oo sheegay inay burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab ku diyaarinayeen Qaraxyo
Sunday July 22, 2018 - 13:57:38
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyada oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale waxaa uu xusay in la gaaray xilligii Al-Shabaab laga saari lahaa dalka, waxaa uu xusay in deegaanada Gandarshe iyo Jilib Marka ay ka mid yihiin meelaha ciidamada ay dhowaan ku wajahan yihiin. Ciidamada xoogga dalka iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa howl gallo ka waday deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, waxayna inta badan howl galada ahaayeen kuwo lagu qaado saldhigyada Shabaab iyo goobaha ay kaga sugan yihiin Gobolka. |