Warmoley
Saraakiil Soomaali oo Tababar ciidan loogu soo gabagabeeyay dalka Turkiga
Illaa 63 dhalinyaro Soomaali ah oo ahaa Saraakiil iyo saraakiil xigeeno ayaa tababar loogu soo gabagabeeyay dalka Turkiga, halkaasoo muddo ku baranayeen casharo la xiriira heerarka iyo sharciyada kala duwan ee Ciidamada leeyihiin. Dhalinyarada Soomaalida ayaa loo tababaray qeybaha kala duwan ee ciidamada, waxaana ay tababar la qaadanayeen Saraakiil ka socotay NATO, saraakiil ka socday Afrika iyo Aasiya. G/lle Maxamed Tahliil ayaa ka warbixiyay tababarka ay ku soo qaateen Turkiga, isagoo xusay in la barayay kulyadda ciidanimada, isagoo xusay in illaa 36 dowladood saraakiil ka socota ay tababaro la qaadanayee

Illaa 63 dhalinyaro Soomaali ah oo ahaa Saraakiil iyo saraakiil xigeeno ayaa tababar loogu soo gabagabeeyay dalka Turkiga, halkaasoo muddo ku baranayeen casharo la xiriira heerarka iyo sharciyada kala duwan ee Ciidamada leeyihiin.

Dhalinyarada Soomaalida ayaa loo tababaray qeybaha kala duwan ee ciidamada, waxaana ay tababar la qaadanayeen Saraakiil ka socotay NATO, saraakiil ka socday Afrika iyo Aasiya.

G/lle Maxamed Tahliil ayaa ka warbixiyay tababarka ay ku soo qaateen Turkiga, isagoo xusay in la barayay kulyadda ciidanimada, isagoo xusay in illaa 36 dowladood saraakiil ka socota ay tababaro la qaadanayeen.

Saraakiisha dhalinyarada ayaa markii loo soo gaba gabeeyay Tababarka waxaa la siiyay bilado iyo abaal marino ay ku muteysteen dhabar adeeggii ay muujiyeen mudadii uu tababarka u socday.

Dowladda Turkiga ayaa ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana xilligan uu ka qeyb qaadanayaa dib u dhiska iyo qalabeynta Ciidamada xoogga dalka, iyadoo Xero Milateri uu ku leeyahay Muqdisho ku tababarayo ciidamo Soomaali ah.

By abdulkadir jokar turkiya stanbul