Warmoley
XOG:Daawo Farmaajo oo Hal Kulan uu la qaato Kheyre ku Xalin kara Khilaafka Mooshinka Jawaari
Daawo Farmaajo oo Hal Kulan uu la qaato Kheyre ku Xalin kara Khilaafka Mooshinka Jawaari

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada warmoley.com ayaa sheegaya in Xiisada ka dhex taagan Golaha shacabka oo ay dabada ka riixeyso Xukuumadda Soomaaliya uu si fudud ku xalin karo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi hadii uu Kheyre iyo kooxdiisa ku amro inay joojiyaan ololaha ka dhan ka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaano badan ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu iska difaacayo weerar lagu soo qaaday Kulamo uu la qaato madaxweynahana ma xalineyso Khilaafka taagan ee waa in Madaxweynaha uu hor fariistaa Ra’iisul wasaaraha dalka runtana u sheegaa si loo badbaadiyo Baarlamaanka 10-aad oo halis ku jira.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo saaxiibo dhow ay yihiin Kheyre ayaa loo arkaa in waqti badan aysan ku qaadaneyn xalinta arintan laakiin xildhibaanada qaar ayaa shaki ka muujinaya mowqifka Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay soo fara galiyay Khilaafkan dheeraaday isagoona maanta hakiyay kulankii Golaha shacabka oo cabsi laga qabay in fowdo iyo gacan ka hadal uu ka dhaco.

Nagala Soco Youtube Channel-Fadlan Subscribe saar