Warmoley
Video: War murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha Amniga iyo Heshiis laga gaaray wadaagista kheyraadka
War murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha Amniga iyo Heshiis laga gaaray wadaagista kheyraadkaWaxaa la soo gababeeyay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyadoo shirka laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

War murtiyeedka la soo saaray oo ka koobnaa saddex qodob oo kala ah Arrimaha Amniga Qaranka, Tubta siyaasadda loo dhan yahay ee 2020 iyo qeybsiga kheyraadka.

Madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa kala saxiixday heshiis KMG ah oo ku aadan qeybsiga kheyraadka kaluumeysiga, inta laga soo dhameystirayo heshiis guud oo ku saabsan kheyraadka dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA