Warmoley
VIDEO Shariif Xasan oo safar dhulka ah ku tagay Bardaale
Shariif Xasan oo safar dhulka ah ku tagay BardaaleMadaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar dhulka ah ku tagay degmada Bardaale oo Baydhabo ujirta ku dhowaad 60-KM. Safarka uu Madaxweynaha ku tagay Bardaale ayaa waxaa ku wehlinaya Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan oo isugu jirta Ciidanka Dowladda, Ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. https://www.youtube.com/watch?v=CaKZYN7tzQM&feature=youtu.be Wafdiga Madaxweynaha waxaa banaanka magaalada uga hortagay oo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha degmada Bardaale Axmed Sheekh Xaamud, qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Odayaasha, Haweenka iyo Dhalinyaro, iyo Saraakiisha Ciidamada ee degmadaasi ku sugan.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ujeedka ay u tageen degmada Bardaale waxa ay tahay ka qeyb galka Munaasabadda Caleemka saarka Guddoomiyaha cusub ee degmadaasi Axmed Sheekh Xaamud oo dhowaan xilkaasi la wareegay. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa ay kulamo la qaateen Maamulka degmada, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada ee degmada, Guddoomiyaha ayaa Madaxweynaha u sharaxay sida ay ugu baahan yihiin in laga caawiyo adeegyada muhiimka ah ee degmada sida Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Amniga in la adkeeyo. Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Maamulka degmada uga mahadceliyay dadaalada ay ka wadaan degmadaasi iyo sida ay ugu heelan yihiin in ay u adeegaan shacabka degmada, wuxuuna balan qaaday in wax laga qaban doono baahiyaha ka jira degmada, sidoo kale wuxuu Odayaasha dhaqanka ku dhiirageliyay in looga baahan yahay ka qeyb qaadashada wacyigelinta bulshada. Ugu dambeyntii Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Saraakiisha Ciidamada ku dhiirageliyay in xil weyn ay iska saaraan sugidda ammaanka degmada, ayna kordhiyaan Howlgalada ka dhanka ah ururka Al-shabaab ee ka socda degaanada ku teetsan degmada.