Warmoley
Dhageyso: R/wasaaraha XFS oo maanta Khudbad ka jeedin doona Shirka Dhaqaalaha Aduunka
R/wasaaraha XFS oo maanta Khudbad ka jeedin doona Shirka Dhaqaalaha Aduunka

Safiirka Soomaaliya u fadhiya DalkaSwezerland Faadumo C/llaahi Insaani oo la hadashay Radio muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Maanta R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre khudbad ka jeedin doono Shirka dhaqaalaha Aduunka kana dhici doona Dalka Swezerland.

Faadumo C/llaahi InsaaniSafiirka Soomaaliya u fadhiya DalkaSwezerland ayaa tilmaantay inR/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayrekhudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa kuna aadan baahiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya uu maanta ka jeedin doono shirka.

R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa inuu shirka ka dib kulamo kala duwan la qaado Madaxda Shirka ka qeyb galaysa isagoona hor dhigi doona Baahiyada ay qabaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamku Maalgashi buuxa ugu samaysan lahaa Dalka Soomaaliya oo loo arko in uu yahay Dalka Dihin kuna fiican Maalgashi dhaqaale.