Warmoley
Madaxda waddamada Islaamka oo ku shiraya magaalada Istambuul

Shir madaxeedka wadammada Islaamka ayaa lagu qanayaa dalka Turkiga kaasoo ay ka qeybgalayaan ilaa 30 hoggaamiye, waxaana looga hadlaya sidoo loo xallin lahaakhilaafyada u dhaxeeya dadka muslimiinta ah.

Boqorka Sacuudiga Salman iyo madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, oo dalalkooda ay isku hayaan dagaallada ka socda Yemen iyo Syria ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa kulanka Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka.

Wayaabaha kale oo kulanka looga hadli doono waxaa ka mid ah xaaladda Falastiin, Libya, Yemen, Syria iyo gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh ee Azerbaijan oo ay ka soo cusboonaadeen rabshado u dhaxeeya dadka Azeri-ga iyo ciidamada Armenia.

Inta uu socdo kulanka, ayaa la filayaa in Turkey ay madaxtinimada ururka iskaashiga Islaamka kala wareegto dalka Masar.

Wakiillo ka socda 56 dal, oo ay ku jiraan 33 madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal ah ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan kulanka ka dhacaya magaalada Istanbul.

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR