Warmoley
Daawo Sawirada'' Ninkii isku Qarxiyay Diyaarada Daallo oo Doonayay in uu isku qarxiyo Turkish Airline
Waxaa wali socda baaritaanada lagu sameenayo ninkii isku qarxiyay Diyaaradii Daalllo Airline, waxaana baaritaano hordhac ah ay Dowlada soo saartay lagu shaaciyay in qaraxaasi uu ahaa mid argagaxiso oo loo adeesgay Laptob .

Qaraxa ayaa lagu tuhmayaa in uu ka dambeeyay nin oday ah oo kamid ahaa rakaabkii Diyaarada wax ka saranaa, kaa oo ka dhax baxay duleel uu sababay qaraxa. waxaana meydkiisa laga helay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Madaxa Fulinta ee Shirkadda Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin (Colaad) oo la hadlay Al-Jaziira ayaa sheegay in ninka la tuhmayo in uu Diyaarada Daallo qarxiyay uu kamid ahaa Rakaabkii ku qornaa diyaarad Turkish Airlines.

Maxamed Ibraahim Yaasiin ayaa cadeeyay in rakaabka ay qaaday Diyaarada Daallo aysan aheen mid iyaga lahaayeen , waxa uuna tilmaamay in rakaabkaasi ay lahaayeen Shirkada Turkish Airlines ayna horey usoo hubiyeen sidaasna ay iyagu ugu qaadayeen dalka Jabuuti,

Saraakiisha Turkish Airilines ayuu sheegay masuulkan katirsan Daallo in ay kusoo wargaliyeen in ay ka baaqsadeen imaanshahoodii Muqdisho sababo ay ku tilmaameen in ay jirto cimilo xumo gaar ahaan in ay jiraan dabeylo xoogan.

Madaxa Fulinta ee Shirkadda Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin , ayaa ku eedeeyay maamulka Shirkada Turkish Airilnes in aysan lasoo xariirin tan iyo markii uu dhacay qaraxa, waxa uuna tilmaamya in ay sidasai u yeelanayaan in ay doonayaan in ay iska fogeeyaan shilkaasi .

Ninka la tuhmayo in uu ka dambeeyay qaraxa oo ahaa nin oday ah oo lagu magaaco C/llaahi C/salaam Boorle, ayaa qorshihiisu ahaa in uu ku safro Diyaarada Turkish Airilnes, hasa ahaatee markii dambe lagu wareejiyay diyaarada Daallo oo qaaday rakaabkii shirkada Turkish Airilnes.

Muuqaal ay duubeen Kaamirada Qarsoon ee CCTV ayaa muujinaya in labo nin oo wata Laptobka diyaarada lagu qarxiyay iyaga oo ku wareejinaya ninka odayga ah , kaa oo la sheegay markii uu qaraxu dhacay uu ka baxay duleel qaraxu sameeyay waxaan meydkiisa oo go' go'ay laga helay Degmada Balcad.

Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay dhoor qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen qaraxaasi, kuwaa oo qaarkood laga daawaday muuqaal ay duubtay Kaamirada ku xiran Garoonka, waxaana la filayaa in Dowlada Soomaaliya ay si rasmi ah u shaaciso natiijada baaritaanka.