Warmoley
Daawo Sawiro Cajiib Ah Guuleed Aadan Cabdi, oo dugsi dhexe ka dhigta degmada Buuhoodle, waa 13 jir, wuxuu sanceeyay baabuurta caruurtu ku cayaaraan

Guuleed Aadan Cabdi, oo dugsi dhexe ka dhigta degmada Buuhoodle, waa 13 jir, wuxuu sanceeyay baabuurta caruurtu ku cayaaraan oo uu koronto ku xiray, soconaya:
Guuleed wuxuu hadda ku sugan yahay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaa lagu qaabilay madaxtooyada kadib markii sancadiisa lala dhacay, waxaana la sheegay in loo ballanqaaday in aqoontiisa la kobciyo.

Hadaba Cawil Cali Jaamac, oo ka tirsan qaybta Media Action ee BBC, ayaa la kulmay Guuleed oo kala sheekaystay sancadiisa. Waraysiga ka dhagayso


Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar