Warmoley
Minneapolis oo laga soo dhaweeyay Go’aankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Kulan lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa lagu soo dhoweeyay Shirka Maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee lagu qabanayo Magaalada Jowhar.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Odayaal, Dhalliyaro, Aqoonyahanno, Culu maa’udiin, Xildhibaanad Nadiifo Cusmaan, Haween iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Ku nool Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa loogu mahad celiyay, Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Go’aankiisii ahaa in Shirka maamul u samaynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu qaban doono Magaalada Jowhar.

Dadka ka soo jeeda Gobolladaas ayaa rajo Wanaagsan ka muujiyay Dhismaha mamulkaas loo samaynayo iyagoo sheegay in maamulka halkaas ka soo baxa ay la shaqeyn doonaan

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan joker

.