Warmoley
Qorshe lagu Dhameys Tirayo Argagixisada Shabaab oo ka socda Jubbaland” Dhageyso – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Saraakiisha Amniga Dowlad Gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in horaanta Sannadkaan Cusub ee 2016’ka ay qaadi doonaan howlgalkii lagula wareegi lahaa deegaannada wali gacanta ugu jira kooxda Al-shabaab.

Afhayeenka Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Cara boo lahadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in laamaha Amniga ay wadaan qorshayaal loogu diyaar garoobayo howlgal lagu qaadayo deegaanno lagu tuhmayo in ay wali ku sugan yihiin kooxda Alshabaab isla markaana ay dadka ku dhibaateeyaan.Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar