Warmoley
Kenya oo sheegtay Suurtagalnimada Weeraro ISIS ay ku soo qaado Kenya

Madaxa booliska dalka Kenya Joseph Boinet. Ayaa sheegay in Dowladdiisa ay u diyaarsan tahay ka hortaga kooxaha Al shabaab iyo ISIS kuwaas oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya islamarkaana ay qorshaynayaan weeraro ay ku soo qaadaan gudaha Kenya, qiyaaastii 200 oo ah xagjiriinta Soomaaliya ee Al-Shabaab ayaa u kala qeysamay qeybo kala duwan oo bahwadaag la kala ah urur weynaha Al-qaacida iyo ururkaISIS ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayuu yiri Madaxa booloska dalka Kenya Joseph Boinet,

Waxaana uu sheegay in kooxda ka soo go’aday ururka Al-Shabaab ay ku sugan tahay xuduudka Soomaaliya ay Kenya la wadaagto, gaar ahaan dhanka waqooyi kuwaas oo ugu yaraan labo weerar ka fuliyey labaddii toddobaad ee la soo dhaafay,

Halkaasna ku dilay askari ka tirsaanaa ciidanka Kenya iyo labo qof oo rayid ah oo ka yimid degmada Mandheere ee gobolka Waqooyi bari Kenya, sida uu u sheegay wakaaladda wararka ee AP madaxa booliska dalka Kenya Joseph Boinett.

Madaxa booliska dalka Kenya Joseph Boinet ayaa dhinaca kale sheegay in kala jabka ku yimid ururka Al-Shabaab ay halis dheeraad ah ku tahay caqabadaha dhanka amniga ka haysta Ciidanka Kenya,

Hase yeeshe waxa uu isku qanicyay in Ciidanka Kenya ay ka hor tagi doonaan weerar kastaa oo kooxahaa ka yimaada.

Joseph Boinett ayaa sheegay in ragga Al-Shabaab ka soo goostey ee taageera ururka ISIS uu ka mid yahay Mohamed Kuno oo ku magac-dheer (Gacmo-Dheere) oo lagu eedeeyey in uu ku luglahaa weerarkii ay rag hubeysanaa 2-dii bishii April ee sanadkan ku soo qaadeen jaamacada Gaarisa, ee gobolka waqooyi-bari Kenya, iyagoo halkaasi ku dilay 148 qof.

Kooxaha Argagixisada ah ee Al shabaab iyo al qaaida ayaa dhawr mar weeraro ka gaystay gudaha Kenya, kuwaas oo ay ku dileen dad u badan rayid meela kala duwan ku sugnaa.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar