Warmoley
Garoonka Cusub ee Diyaaradaha Boosaaso oo lafurayo 8-da Janaayo 2016

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay xilliga la furayo Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso oo hadda Dhismihiisu uu meel Gabagabo ah marayo.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xasan Xaji Saciid ayaa sheegay in Garoonka diyaaradaha Boosaaso xarigga laga jaridoono 8-da bisha Janaayo ee sannadka Cusub 2016-ka.

Garoonkan oo ah mid Aad U weyn ayaa la sheegay in halkii mar ay soo Dagi karaan Diyaarado Dhowr ah.

Wariyaha Radio Muqdisho ee Magaalada Boosaaso Aamino Axmed Cali (Aamino Ladan) ayaa soo sheegaysa in dadweynaha ku nool Magaalada Boosaaso ay aad u soo dhaweeyeen Garoonka Cusub.

Horay ayaa dadka doonaya inay tagaan Magaalada Boosaaso ee raba inay Raacaan diyaaradaha waxa ay tagi jireen magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar