Warmoley
Weerar dad lagu dilay oo saakay lagu qaaday Gaari bas ah oo ka baxay Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya
Wararka ka imaanaya Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in saakay kooxo hubeesan oo la tuhmayo in Al-Shabaab katirsan yihiin Weerar ku qaaday gaari bas ah oo ka baxay magaaladaasi kuna sii jeeday Magaalada Nairobi.

Weerarka ayaa dhacay saakay abaaro 7-dii subaxnimo waxaana rasaas lagu furay gaari bas ah oo ka baxay Magaalada Mandheera kuna sii jeeday Magaalada Nariobi, weerarka ayaana ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanada Kotulo iyo Ceelwaaq oo hoosyimaada Magaalada Mandheera.

Intala xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay weerarkaasi waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sadax qof oo kale , waxaana goobta weerarku ka dhacay gaaray Ciidamo katirsan Milatariga Kenya oo ka baxay Magaalada Mandheera.

Gudoomiye kuxigeenka Magaalada Mandheera Julius Otieno, ayaa Warbaahhinta u xaqiijiyay weerarkan saakay ka dhacay Duleedka Magaalada Mandheera, waxa uuna xaqiijiyay in labo qof ku dhinteen weerarkaasi sidoo kale ay ku dhaawacmeen sadax qof uu ku jiro darawalkii baska.

Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa marar badan weeraro qasaaro kala duwan dhaliyay waxa ay ka fuliyeen Deegaano hoostaga Magaalada Mandheera, mana jiro masuuliyada weerarkan saakay dhacay cid wali sheegatay.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar