Warmoley
Ururrada bulshada rayidka ah oo soo dhaweeyay qo’aannadii ka soo baxay shirkii wada tashiga

Ururrada bulshada rayidka ah ayaa si diirran usoo dhaweeyay go’aannadii ka soo baxay shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan lagu soo gebagebeeyay Muqdisho.

C/llaaha Maxamed Shirwac oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururrada bulshada rayidka ah islamarkaana wareeysi siiyay Radio Muqdisho ayaa soo dhaweeyay qodobada ka soo baxay shirkii wadatashiga aha ee Afartii maalmood ee la soo dhaafay ka soconayay magaalada Muqdisho.

Wuxuu wax lagu farxo ku tilmaamay in shirarka looga tashanayo aayaha dalkeena ay ka dhacaan gudaha dalkeena, islamarkaana laga qeybgelsho qeybaha bulshada, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in go’aannada ka soo baxay shirkaasi ay noqon doonaan kuwo dhaqan gala.

Dhinaca kale qeybaha bulshada ee ku nool magaalada Dhuusamareeb ayaa iyaguna soo dhaweeyay go’aanada ka soo baxay shirki wadatashiga ahaa ee dhawaan lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.

Xubno ka tirsan bulshada rayidka ah ee dhaqan Dhuusmareeb oo la hadlay Radiyo Muqdisho ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin qodobada ka soo baxay shirkaasi, iyagoo dowladda federaalka ku amaanay qorshayaasha wadatashiga ah eeay ku dooneyso iney ku dhageysato talooyinka iyo afkaarta bulshada eek u wajahan doorashada 2016-ka.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar